Macallinka:

Ardaygu wuxuu baranayaa afka soomaaliga iyo dhaqanka soomaalida. Wuxuu fahmayaa kalana soocayaa qaab dhismeedka iyo micnahiisa. Wuxuu xoojinayaa juqraafiga soomaaliya, sheeko qarameedka iyo xayawaanadooda. Waxaa qayb ka ah lahjadaha meelaha qaar. Ardaygu wuxuu si qoto dheer u baranayaa hab qoraalka af soomaaliga iyo ku dhawaaqidda weedhaha qaarkood. Leyliga waxaa ku jira qaybo qoraal ah, sawirro, sawirgacmeedyo, kaartoonno iyo codad. Qoraallada shabakada ku jira ardaygu keligii ayaa samaynaya marka uu joogo xisadda ama guriga waana iskaa wax u baro. Macallinku wuxuu la soconayaa horumarka ardayga wuxuuna ku hagayaa in uu u guuro leyliba leyligii uu ka adag yahay.

Ardaygu wuxuu ka shaqaynayaa leyliga, leyliga dhammaadkiisuna waxaad ku arki doontaa jawaabaha. Ardaygu wuxuu leyliga ka shaqayn karaa dhowr jeer si uu wax uga barto. Marka uu ardaygu leyliga ka shaqeeyo wuxuu helayaa dhibco iyo abaalmarin, halkaasoo uu ka garanayo qaybaha uu ku wanaagsan yahay iyo qaybaha u baahan yahay in uu barto oo leyliyo.